Madaxweynaha J.F. Soomaaliya Mudane Xasan Sh. Maxamuud oo gaaray dalka Burundi


Madaxweynaha D.F Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo socdaal ku marayay qaar ka mid ah dalalka ay ciidamada ku howlgalaya magaca AMISOM ee joogo soomaaliya ayaa gaaray magaalada buujambuura ee caasimadda dalka Burundi.

Waxaana garoonka caalamiga ah ee buujambuura si weyn ku soo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka dalka Burundi Gervais Rufyikiri danjiraha Soomaliya u fadhiya Burundi Amb. Abshir Xasan Abshir saraakiil sar sare oo ka tirsan wasaarada gaashandhigga safiirka Burundi u fadhiya soomaaliya safaarado kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Masar, Libya,Rwanda,Kenya,Tanzania iyo Nigeria.

Madaxweynaha iyo wafdiga uu horkacayo ayaa lagu casumay casho sharaf si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen wasiiro kala duwan sida wasiirka gaashaandhiga Burundi Gen. Pontien Gaciyubweng ,Wasiirka Arrimaha Dibadda Burundi Laurent Kavakure diplomaasiyiin ka kala socda Dowlada mareykanka,Midowga yurub iyo midowga Africa.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Burundi ayaa ugu horeyn munaasbaada ku soo dhaweeyey Madaxweynaha DFS iyo wafdigiisa,isagoo ku hadlayey magaca shacabka iyo dowlada Burundi waxaa uu u hambalyeey madaxweynaha sida uu didhibada u taagay astaanta qaranka soomaaliyeed  kana hirgaliyey wadanka gudihiisa horumar baaxada leh nabadgaliyo  iyo diimuquradiyad.

Madaxweynha D.F Soomaaliya Mudane Xasan Sh.Maxamud ayaa dhankiisa u mahad celiyey Dowlada Burundi iyo shacabkaba soo dhaweynta qaaliga ah ay u sameeyeyn.Madaxweynaha ayaa waxaa uu xusay in sheyga ugu qaalisan nolosha ay tahay qofka naftiisa kuu huro, isagoo ula jeeda ciidanka Burundi ee ka garab dagaalamaya ciidanka qaranka soomaaliyeed ee wada howlgalada lagu xoreynayo qeybo ka mid ah koonfurta soomaaliya,sidoo kale madaxweynaha waxaa uu xusay in dowlada Burundi iyo shacabkeedaba ay ka mid yihiin dalal kooban oo fahansan qadiyada soomaaliyeed diyaarna u ah in ay taageeraan calanka soomaaliyeed.

BurundiVisit01.jpg


Add New Comment