Kooxo ku hubaysan Bistoolado ayaa dilay Ganacsade caan ka ahaa magaalada Gaalkacyo

Marxuumka Caynaanshe  ayaa dilkiisa  ku yimid, kaddib markii kooxo ku hubeysan Bistoolado  ay ku toogteen xaruntiisa ganacsi oo ku taalla waqooyiga Gaalkacyo.

Kooxaha dilka gaystay ayaa la sheegay inay u duubnaayeen wajiyada , kuwaasoo islamarkiiba  ka baxsadeen goobtii ay  ku dileen ganacsade Ceynaanshe.

Dilkaani ayaa waxaa uu qeyb ka yahay dilal maalimihii u dambeeyay ka dhacayay Magalaada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug kuwaasi oo lala bartilmaameedsanayay Mas’uuliyiin, Ganacsato, waxgarad, Nabadoono iyo dad rayid ah oo badankooda la sheegay in loo dilay aanooyin qabiil.

Ciidamada booliska ee waqooyiga Gaalkacyo  ayaa bilaabay baaritaano ay ku raadinayaan ciddii ka danbeysay dilkaasi, inkastoo ilaa iyo hadda aysan jirin cid ay falkaas u soo qabteen.


Mas'uuliyiinta   maamulka Puntland ee waqooyiga Gaalkacyo ayaa ka gaabsaday in ay wax faahfaahin ka bixiyaan dilka loo geystay ninka ganacsadaha ahaa.

Add New Comment