Madaxweynaha dalka Ruwanda Mudane Paul Kagame oo si diiran Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Sh. Shariif ugu soo dhawaysay Magaalada Kigale ee dalka Rwanda ( sawirro)



Madaxweyne Sharif Sh. Axmed iyo Madaxweyne Paul Kagame - Sawirka: Xafiiska Madaxweyneha


Xafiiska Madaxweynaha
Sunday, April 10, 2011

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaalia Mudane Shariif Sheekh Axmed  oo booqashu ku marayay beryahan Bariga iyo bartamaha Afrika ayaa maanta booqasho ku tagay Magaala madaxda dalka Ruwanda ee Kigali. 

Madaxweynaha ayaa waxaa soo dhaweeyay Wasiiradda Arrimaha Dibadda Marwo Louise Mushikiwabo, Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Gen. James Kabarebe, Wasiirka Arrimaha Gudaha  Mudane Musa Fazil Harerimana ,Abaandulaha Ciidamada Cesar Kayizari iyo Qonsulka Soomaaliya Sooyaan Cali Cumar.


Madaxweyne Sharif Sh. Axmed iyo Qonsulka Soomaaliya u fadhiya dalka Rwanda Sooyaan Cali Cumar


Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa waxaa  ku wehliyay Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Cabdikareem Xassan Jamac iyo wasiirka dhalinyarada, isboortiska,, shaqada iyo shaqaalaha Mudane Cabdinuur Macalin Maxamed.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa waxuu la shiray Madaxweynaha dalka Ruwanda Mudane Paul Kagame.


Madaxweyne Sharif  iyo Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka Rwanda Marwo Louise Mushikiwabo


Labada Madaxweyne ayaa waxaa ay ka wada hadleen arimo dhowr ah oo ay ka mid tahay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii  dowladda Soomaliya looga taageeri lahaay xagga siyaasadda, dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga iyo in la kaalmeyo dadka abaaraha ku habsadeen.



Waxaa kale oo laga wada  hadlay habka Soomaaliya looga caawin lahaa in ay nabad waarto  ka dhacdo taas oo aas aas u ah in la helo dowlad Soomaliyeed oo heshiisiiso ummada Soomaaliyeed ee labaatanka sano ku jirtay burburka. Tallaabtaas ayaa ah mid ay dowlada Ruwaanda horay ugu guuleysatay iyo  in saxaafadda  iyo isgaarsiinta laga caawiyo dowladda  Soomaaliya. 

Waxaa kale uu Madaxweynaha maanta booqday xarun lagu xassusto xasuuqi ka dhacay Dalka Ruwanda sanadkii 1994 oo looga warbixiyay  qaabkii iyo sababihii keenay iyo weliba sidii ay uga soo kabsadeen reer Ruwanda.

Malik Abdalla
Agaasimaha Warfaafinta
Xafiiska Madaxweynaha
Muqdishu, Somalia

[email protected]

Add New Comment