Maxkamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo maanta ku xukuntay Shirkadda Xawaaladda AMAL EXPRESS inay daabacdo Kutub Diini ah.


Shirkadda Xawaaladda Amal Express ayaa maanta Maxkamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab  ku xukuntay inay dib uga uruuriso buugaag ay ku qoran yihiin sida la sheegay afar qodob oo xadgudub ku ah diinta Islaamka, kadibna si tacsiir ah ayaa waxaa lagu xukumay inay soo daabacdo kitaabo laga barto Diinta Islaamaka

Qaaliga sare ee Maxkamadda Xarrakatul Shabaab Al-Mujaahidiin ayaa sheegay in Shirkadda Xawaaladda ee Amal Express lagu xukumay inay daabacdo  Kutub taasoo uu ku sheegay Tacsiir, waxaana ka mid ah kutubta laga rabo inay soo daabacaan kutubta ay ka mid yihiin :Quranka Kariim ah,Saxiixul Muslim, Riyaalu Saalixiin, Axkaamta Jihaadka iyo kutubo kale.
Waxaa sidoo kale oo Shirkadda Amal Express lagu amray inay gubaan buugaagta ku qoran afartaa qodob ee xadgudubka ku ah Dinta islaamka ee hadda ku harsan gacantooda, isla markaana aysan mar dambe dalka keenin buugaag noocan oo kale ah.

Mas'uuliyiinta Shirkadda Xawaaladda Amal ayaa waxay qirteen inay buugta qaladka laga helay in shirkaddooda ay qaybisay, waxa kale oo ay sheegeen inuu qaladkaasi ka yimid shirkad xayeysiinnada sameysa oo ku taalla dalka Hindia  iyo Shirkadda AMAL oo Buuggaagtaasi qaybisay iyadoo aan wax baaritaanno ah ku sameyn .


Add New Comment