RA'IISUL WASAARAHA SOOMAALIYA: "Awood ciidan oo keliya laguma jabin karno kooxaha dowladda Soomaaliya kasoo horjeeda"


 Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa sheegay inaan awood ciidan oo keliya looga adkaan karin kooxaha dowladda kasoo horjeeda, isagoo xusay in loo bahana yahay fikrado kale.

Sidoo kale Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya wuxuu been la dhoodhoobay ku sheegay warbixintii guddiga Qarammada Midoobay ee lagu sheegay in ciidamada Dowladda ay hubkooda ka iibsadaan kooxaha mucaaradka ah ee ka horjeeda.

"Ma aamisani in xoog milateri oo keliya lagu jabin karo kooxaha dowladda kasoo horjeeda, waxaa wanaagsan in la helo fikrado kale oo cusub" ayuu yiri ra'iisul wasarare Cumar C/rashiid.

Xoogagga Dowladda kasoo horjeeda oo jira saddex sano ayaa waxay gacanta ku hayaan inta badan koonfurta dalka Soomaaliya, iyadoo xukuumaddu ay gacanta ku hayso in yar oo Muqdisho ka tirsan.
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa wareysigan oo uu siiyay Reuters ku sheegay in dowladda looga baahan yahay inay kasbato shacabka, taasna ay ka badalan tahay in wax looga qabto xaaladda dalka awood ciidan oo keliya.

"Culummada diinta waxay kala raaceen dadkooda, innaga ka dowlad ahaan waxaan wadnaa qorshe aan dadka ku barayno inay iskaashi sameystaan" ayuu yiri Ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid oo ku sugan Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn ra'iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in Dowladda iyo Ahlusunna ay dhawaan qaybsan doonaan awoodda ayna kusoo biiri doonaan golaha wasiirrada xubno cusub, isagoo sheegay in taasi ay kalsoonida shacabka sare u qaadayso.

Add New Comment