Midowga Yurub oo tababarro u furaya ciidamo ay leedahay Dowladda KMG ee Soomaaliya


Midowga reer Yurub ayaa waxa uu ansixiyey in 7-da bishan April ay billaabanayaan tababarro mileteri oo 2000 oo askari oo ka tirsan ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya uga furmi doona xeryo mileteri oo ku yaalla gudaha waddanka Uganda.

Qoraal kasoo baxay xarunta Midowga Yurub ee magaalada Brussels ayaa lagu caddeeyey in howlgalkan oo loogu magac daray EUTM (European Union Training Mission for Somalia) lagu tababari doono ciidamo ay leedahay Dowladda KMG ee Soomaaliya, kuwaasoo tiradoodu lagu sheegay inay gaareyso ilaa iyo 2000 oo askari oo intooda badan tababarka ku qaadan doona waddanka Uganda.

Tababarkan uu Midowga Yurub ugu yaboohay ciidamada Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa waxa looga gol leeyahay sidii ay dowladdu uu yeelan lahayd awood ay ku hanato ammaanka guud ahaan waddanka Soomaaliya ee ay dagaallada sokeeye ka socdan muddada ku dhow 20-ka sano.

Dowladda KMG ee Soomaaliya oo gacan ka heleysa ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ka jooga qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa waxa dagaal kala soo horjeeda xoogagga Islaamiyiinta ee Xisbul Islaam iyo Xarakatul Shabaab Al-Mujaahidiin oo ayagu gacanta ku haya inta badan magaalada Muqdisho iyo gobollada koonfureed ee dalka.



Add New Comment