Dagaal qaraar oo ka socda Degaanka Ceel-gaal ee Gobalka Hiiraan



Warar goordhaw naga soo gaaray Gobalka Hiiraan ayaa ku waramaya in saacadaan uu soconayo dagaal xoogan oo u dhaxeeya Dowladda KMG ah iyo Ururka xisbul islaam oo ka dhacaya Ceel-gaal.


Dad ku sugan magaalada Baladweyn ayaa sheegaya in dagaal culus uu socdo iyadoo la maqlayo dhawaaqa hubka culus oo laysku adeegsanaayo labada dhinac, waxaana jirta cabsi laga qabo dagaalkani  in uu ku soo fido gudaha magaalada Baledweyne.

Ma jiraan wax intaasi dhaafsiisan  oo qasaare ah oo la soo sheegayo,laakiin wixii ku so kordha waxan idiinkugu so gudbin doonaa wararkeena  danbe insha allaah.

Add New Comment