Dhimasho iyo dhaawac ka dhalatay dagaal iyo duqeyn ka dhacday Woqooyiga Muqdisho

Dhimasho 2 qof  iyo 5-qof kale ayaa ku dhaawacantay dagaal u dhaxeeya ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda ayaa maanta ka dhacay Degmooyinka Bari ee Magaalada Muqdisho iyadoo xaalada ay hadda tahay mid xasiloon  .

Dagaalka iyo duqeynta waxay ka dhaceen xaafado ka tirsan Degmooyinka Boondheere, Shibis iyo Yaaqshiid .
 Qof ka mid ah Dadka Degmada Boondheere  ayaa wuxuu sheegay in madaafiic ku soo dhacday Degmadooda ay sababtay dhimashada labada ruux iyo dhaawaca shanta ruux oo kale, wuxuuna sheegay in dadka waxyeellada soo gaartay ay ahaayeen kuwo rayid ah oo qaarkood ay xoogsato ahaayeen.

Degmooyin dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa muddo 6 bilood ka badan waxay yihiin kuwo ay dhinacyada isku haya  Magaalada Muqdisho ku dagaallamaan, waxaana Degmooyinkaas ka mid ah Shibis, Boondheere, Yaaqshiid, qeybo ka mid ah C/casiis, Wardhigiley, Howl-Wadaag iyo Hodan, waxayna inta badan dadkii degmooyinkaas ku noolaa ay u barakaceen duleedyada Muqdisho iyo weliba dalka dibaddiisa.

Add New Comment