Qarax Qasaare geystay oo ka dhacay Xaafada Ceel-Qalow Degmada Wadajir ee magaalada Muqdishu

          Ugu yaraan 3 Askari ayaa ku geeriyootay tiro kalana wey ku dhaawacmeen qarax xoogan oo maanta
 lala  beegsaday Gaari ay wateen Ciidamada DKMG ah , qaraxaas oo ka dhacay magaalada Muqdishu  xaafada Ceel-Qalow  ee Degmada Wadajir 
Gaari weyn oo nuuca Waaraadka ah oo ay Askar badani oo DKMG ah ka tirsan ay fuushay ayaa qarax Miinada la hago loo galiyey Waddo ka mid ah wadooyinka dhexmara  Xaafadda Ceel-Qalow ee Degmada Wadajir .

  Qaraxa kadib ayey dhan walba u fureen Rasaas xoogan Ciidamadii ka badbaaday Qaraxaasi,  taaso keentay inay dhaawac u geestaan  2 Caruur ah oo ka mid ahaa dadka deegaanka ku noolaa

  Burburka Gaariga,Askartii ku dhaawacantay  iyo ugu yaraan 3 Askari oo ku geeriyootay  ayey Ciidamo kale oo goobta  gurmad kusoo gaaray ay qaateen , kadib markii ay in mudo ah hakad galiyeen isku socodka Dadka iyo Gaadiidka jidka  uu qaraxa ka dhacay.

Add New Comment