Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Wafdi uu hogaaminayo oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho


Madaxweynaha dowlada Somalia Shariif Sheekh Axmed  iyo wafdi uu horkacayo ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib markii ay socdaal ay ku soo kala bixiyeen dalal ka tirsan caalamka sida Ugandha, Jabuuti, imaaraatka Carabta ee Midoobay Kuwait iyo Yemen.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa  markii ay ka soo degeen garoonka dayuuradaha ee Muqdisho waxaa loo soo gelbiyey xarunta madaxtooyada Villa Somalia si  amaankiisa loo ilaaliyo waxa ay xirteen ciidamada AMISOM waddada isku xirta garoonka Muqdisho iyo Xarunta Madaxtooyada Villa somalia , ciidamadaasi oo oo taangiyo ku hubeysnaa sido kale waxaa ammaan ilaalinayay  Ciidamada Daraawiishta DKMG ah kuwaasoo gebi ahaanba mamnuucay dhaq-dhaqaaqa gaadiidka BL-ka iyo isu-socodka dadka shacabka ah.

kaddib markii uu gaaray Madaxweynahu  Villa Soomaaliya waxaa bilowday dagaal iyo madaafiic oo is dhaafsanayeen AMISOM iyo ciidamada DKMG ah oo isku dhinac ah iyo xoogagga mucaaradka ah  dagaalkaasi  waxa uu illaa duhurnimadan ka socday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho kaasoo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad badan oo rayid ah.

Afhayeenka ciidamada AMISOM oo ka hadlay dagaalada maantay ka dhacay Caasimada Magaalada muqdisho ayaa sheegay dagaaladaasi in ay bilowdeen kadib markii weeraro lagu qaaday xarumo ay ku leeyihiin Wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho, haddii weeraro ka dhan ah lagu soo qaadana in ay sameeyaan iska caabin.

Waxa kale ee  uu sheegay in aysan wax qasaare ah ka soo gaarin dagaaladii cuslaa ee saakay ka dhacay Caasimada magaalada Muqdisho kadib markii ay is fara saareen Xoogaga islaamiyiinta oo weeraro iyo madaafiic ku soo qaaden goobaha Ciidamada AMISOM ka dagan yihiin Wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.




Add New Comment