Ciidanka Badda Soomaaliyeed oo maanta tababar u soo xiray dufacaddii labaad ee ciidankaas loo soo tababaray


Ciidanka Badda Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa maanta tababar u soo gebagebeeyey dufcaddii labaad ee loo soo tababaray ilaalinta iyo difaacidda badda Soomaaliya, kuwaasoo tiradoodu lagu sheegay inay ka badan tahay 300 oo askar.

 

MarinaBB.jpgXaflad aad u ballaaran oo si weyn loo soo agaasimay ayaa lagu soo bandhigay ciidamada tababarka soo dhammeystay oo ku lebisnaa lebiskii lagu yaqiin ciidamadii badda Soomaaliyeed, waxaana xafladda xiritaanka tababarkaasi ka soo qayb galay madax fara badan oo ka tirsan labada Gole ee Dowladda iyo Talisyada Ciidamada Soomaaliyeed.

 

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka ahna Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) oo ugu horreyntii halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Ciidanka Badda Soomaaliyeed uu dhowaan billaabi doono howgallo lagu sugayo ammaanka badda Soomaaliya iyo gaadiidbadeedka ganacsi ee isticmaala.


admiralBB.jpgTaliye Admiral Faarax Qare waxa kale oo uu sheegay inay jiraan ciidamo kale oo hor leh oo uu weli tababar u socdo dhowaanna loo soo xiri doono tababarka, wuxuuna intaa ku daray in mas'uuliyadda ciidamada Badda Soomaaliyeed ay tahay ilaalinta kheyraadka badda Soomaaliyeed iyo la dagaalanka burcad-badeedda ka jirta mandiqadda.


Ra'iisu Wasaare ku xigeenka Dowladda KMG ee Soomaaliya, ahna wasiirka Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Prof. Cabdiraxmaan Xaaji Aadan (Ibbi) oo asagana xafladdaasi ka hadlay ayaa ciidamada tababarku u soo dhammaaday kula dardaarmay inay daacad u noqdaan howshii loo soo tababaray, wuxuuna Taliska Ciidanka Badda Soomaaliyeed ku ammaanay sida wanaagsan ee ay howlahooda wadaniga ah u gudanayaan.

 

Ciidankan cusub ee tababarka soo dhammeystay ayaa ku biiri doona ciidamadii horey loo soo tababaray, taasoo tirada guud ee ciidamada Badda Dowladda KMG ee Soomaaliya ka dhigi doonta ku dhowaad 1000 askari iyo saraakiishooda.


Add New Comment