Xukun Qisaas ah ku fuliyay Askari katirsanaa Ciidamadooda maamulka Islaamiga ee degmada Afgooye

Kumanaan dadweyne ah oo isugu jiray qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Degmada Afgooye ayaa maanta barqadii waxaa ay ku soo xoomeen meel fagaare ah oo ku taala duleedka Degmada Afgooye halkaasi oo ay ka dhaceysay xukun qisaas ah kaasoo lagu fulinayey askari ka tirsanaa ciidamada Xisbul Islaam ee maamulkaQasaas Dil.jpg Degmada Afgooye.
Askariga la qisaasay waxa uu ka tirsanaa ciidamada Xisbul Islaam ee maamulka Degmada Afgooye kaasoo horaantii usbuucii la soo dhaafay dil toogasho ah ugu geystay bartamaha magaaladaasi Afgooye dhaqtar ka mid ahaa dhaqaatiirta degmada Afgooye kaasoo lagu magacaabi jiray Dr Cusmaan Macalin Axmed kadib markii uu Askariyo amray  inuu tuuro Sigaar uu cabbaayey  dhaqtarkuna uu iska diiday.


Xukunkaasi qisaasta ah ayaa waxaa ku dhawaaqay Sheekh Cusmaan Siidow Xasan oo ah madaxa garsoorka ee maamulka Islaamiga ee degmda Afgooye , Sheekha waxaana uu sheegay in gacan ku dhiigle C/qaadir Max’ed Cabdi kadib markii maxkamada la horkeenay in uu qirtay in dilka uu geystay

Askariga gacan ku dhiiglaha ahaa  ayaa waxaa lagu soo xiray goob fagaara ah kadibna waxaa toogtay nin la dhashay Digtoorkii geeriyooday .

Toogashada kadib waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha maamulka Islaamiga ee degmada Afgooye Sheekh Max’ed C/raxmaan Max’ed waxaana uu sheegay in qofkii ku xad gudba Qof kale in laga abaal marin doono oo xukunka Diinta Islaamka ah lagu fulin doono taasoo aan lagu kala sarreynin Askari ama Shacbi,
wuxuuna uga digay  dadka dacaayadda ka dhexwada  Degmada Afgooye  inay ka waantoobaan falkaasi.
 

Waa xukunkii ugu horeeyay ee ka dhaca degmada Afgooye tan iyo inta halkaasi looga dhawaaqay maamulka Islaamiga ee Ururka Xisbul Islaam.





Add New Comment