Pan-African Parliament oo Soomaaliya xubin sare ka heshay

shir ka dhacay xarunta Baarlamaanka Afrika ee dalka Koonfur Afrika ayaa Xildhibaan Ibraahim Xabeeb oo ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka dowladda KMG ah ee Soomaaliya loogu doortay inuu noqdo guddoomiye ku xigeenka Waddamada Afrikada Bari ee Baarlamaanka Afrika.

Ka hor inta aan xilkaasi loo dooran Xildhibaan Ibraahim Xabeeb waxaa uu fadhiga baarlamaanka Afrika ka jeediyay khudbad aad u dheer ee uu kaga hadlayay xaaladda dalka Soomoaliya, siyaabihii kala duwanaa oo ay ku fashilmeen dowladihii dalka soo maray burburkii kadib , waxaana uu sheegay haddii aanu caalamka si adag u taageerin Soomaaliya inay ay fashilmi doonto dowladda cusub ee uu madaxweynaha ka yahay Sh.Shariif .
panafrica.jpg
Xildhibaanka waxa uu si cad u sheegay in Soomaoliya laga taageero dhinac walba iyo in la dhiso ciidamo gaaraya  afartameeyo kun oo askari kadibna ciidamadaasi loo dhammeeystiro wax waliba oo u suurta gelin kara in ay nabad kusoo dabaalaan  Dalka Soomaaliya .

Add New Comment