Madaxweyne Sheekh Shariif oo maanta gobolka Banaadir u magacaabay maamul cusub


Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta si rasmi ah u magacaabay maamul cusub oo uu yeelanayo Gobolka Banaadir, kaasoo  beddeli doona maamulkii hore ee uu guddoomiyaha ka ahaa Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur).

gobolka11.jpg

Xaflad lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada (Villa Somalia) oo ay kasoo qayb galeen Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Barlamaanka Sheekh Aadan Madoobe, madax  sar-sare oo ka tirsan  Dowladda KMG, wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan barlamaanka Soomaaliya.

Maamulka cusub ee gobolka Banaadir loo magacaabay ayaa waxa uu ka kooban yahay guddoomiiye iyo saddex guddoomiye ku-xigeen, kuwaas oo kala ah :

DUQA.jpg1 - Cabdirasaaq Maxamed Nuur (Nuunne) - Guddoomiye
2 - Cabdisalaam Daahir Cabdulle - Guddoomiy ku-xigeenka koowaad
3 - Warsame Maxamed Xasan - Guddoomiy ku-xigeenka labaad
4 - Iimaan Nuur Iikar - Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad

Goobta ay xafladdu ka dhaceysay ayaa waxaa ayagana ku sugnaa Guddoomiyihii xilka laga qaaday mudane Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) iyo ku-xigeenkiisii mudane Cabdifataax Ibraahim Sabriye (Shaaweeye).

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur oo xafladda ka hadlay ayaa soo dhaweeyay isbedelka lagu sameeyay maamulka Gobolka Banaadir, wuxuuna caddeeyay in ay diyaar u  yihiin in ay xilka ku wareejiyaan maamulka cusub, ayna la shaqeeyaan.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir C/risaaq Maxamed Nuur Nuunne oo isna xafladda ka hadlay ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyihii hore Dhagaxtuur sida qiimaha leh ee uu u soo dhaweeyay magacaabistiisa, wuxuuna caddeeyay in aysan kala maarmin maamulka cusub iyo midkii hore.

gobolka22.jpg



Add New Comment