Boqortooyada Sacuudi Caraabiya oo xayiradda ka qaaday xoolaha Soomaaliya


Dowladda Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay in xayiraaddii saarneyd xoolaha nool ee dalkeeda uga iman jiray waddanka Soomaaliya, kaddib markii ay xayiraad saarneyd muddo ka badan 8 sano ah, oo loo sababay cudurro kala duwan oo laga sheegay xoolaha Soomaaliya.

Qaadista uu qaaday Sacuudiga ayaa lagu micneeyey qiimaha lagu kala iibsado xoolaha dalkaasi uga yimaada dalalka kale ee adduunka, sida Australia, New Zealand iyo dalal kale oo fara badan.

XooloBB.jpgXoolaha Soomaaliya iyo waddamo kale oo ku yaala mandiqadda Geeska Afrika ayaa lagaga shakiyey cudurka Rift Valley, taasna ayaana keentay in xayiraad lagu soo rogo xoolaha nool ee dalka Sacuudiga uu ka soo dhoofsan jiray waddamada Geeska Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto.

Arrintan ayaa rajo wanaagsan gelisay ganacsatada Soomaaliyeed ee Xoolaha ka ganacsada iyo weliba dadka xoolo dhaqatada ah, ayadoo sida la og yahay uu dhaqaalaha Soomaaliya ku tiirsan yahay ka ganacsiga xoolaha nool,

Dhowaan ayey ahayd markii dowladda Imaaraadka Carabta ay ku dhawaaqday in dalkeeda loo soo dhoofin karo xoolaha nool ee Soomaaliya, sida ariga lo'da iyo geelaba, waxaana la filayaa in go'aankan ay qaateen dalalka Imaaraadka iyo Sacuudigu ay kaga dayan doonaan dalal kale oo carbeed.





Add New Comment