Deegaanka Ceelbaraf oo dagaal saakay ku dhex maray Xarakada Al-shabaab iyo Ciidamada maxkamadihi Gobolka Sh/dhexe .


 Deegaanka Ceelbaraf oo qiyaastii 100 KM dhinaca waqooyi kaga toosan magaalada Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa  saakay salaada Subax kadib dagaal culus ku dhex maray Ciidamada Xarakada Al-shabaab iyo ciidamo taabacsan Guddoomiyihii hore Maxakamadihii Islaamka Gobolka Sh/dhexe Macalin Daahir Caddow .

Gudoomiyihii hore ee Maxkamadaha Islaamka Sh/Dhexe Macalin Dahir Caddow Calasow,oo kasoo jeedo dadka Deegaanka Ceelbaraf ayaa koox taabacsan soo weerartay deegaanka qadar kooban kadibna ay ka saareen Ciidamadii Al-Shabaab ee deegaanka horay u joogay.

Wararka laga helayo deegaankaas ayaa sheegaya in xaalada ay tahay mid kacsan, isla markaana Al-Shabaabka deegaankaas u direen Ciidamo gurmad ah oo ka baxay Degmada Mahadaay.


Madaafiic iyo hubka kale oo labada dhinac isku adeegsadeen ayaa laga maqlayay xaafadaha Deegaanka Ceelbaraf taasoo cabsi iyo walbahaar ku beertay dadka deegaanka ku nool.

Waxaa la soo sheegay  dagaalka inuu  sababay qasaarooyin Dhimasho iyo Dhaawawc labada dhinac soo kala gaaray, hase yeeshee aan la sheegi Karin inta ay la'egyihiin qasaarooyinkaasi.

Ma ahan markii ugu horaysay oo dagaalo ku dhex maraan deegaano ka tirsan Gobolka Sh/dhexe Ciidamada Xarakada Al-shabaab iyo Maamulkii hore Maxkamadaha Islaamka Gobolka Sh/dhexe.

Add New Comment