Dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamada DKMG ah iyo Xisbul Islaam oo saakay ka dhacay duleedka magaalada Baladweyn

Xoghayaha Gaashaandhiga Xisbul Islaami Sheekh Muuse Cabdi Caraale ayaa Shaaciyey inay soo afjareen Dagaaladii Qaraaraa ee  Saaka ka bilowday Duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan isagoo Sheegay inay gacanta ku hayaan dhamaan goobihii lagu dagaalamay saaka sida Buurta Jenta Kundisho

Dagaalka oo bilowday barqanimadii hore ee saakay ayaa waxaa uu u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG iyo xoogagga ka soo horjeeda waxaana ay ka dhaceen  Buurta Jante Kundishe iyo nawaaxigeeda iyadoo halkaasi si aad ah looga maqlayay daryanka hubka culus ay isweydaarsanayaan labada dhinac.

Xoghayaha Gaashaandhiga Xisbul Islaami Sheekh Muuse Cabdi Caraale ayaa Shaaciyey inay soo afjareen Dagaaladii Qaraaraa ee  Saaka ka bilowday duleedka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan wuxuuna sheegay inay gacanta ku dhigeen dhammaan goobihii lagu dagaalamay sida Buurta Jenta Kundisho.

Waxa uu sidoo kale Sheegay inay Dagaalka saaka iyagu qaadeen , meelwalba oo ay tagaan Ciidanka DKMG ah
sida Ceel gaal iyo meesha ay ka yimaadeena in looga daba tagi doono dhawaan .

Qasaaraha dagaalkii saakay ayaa ilaa iyo haatan la xaqiin Karin maadaama dagaalku ahaa mid aad u culus oo Madaafiic laysku adeegsaday,waxaana wararka haatan Sheegayaan Buurta Jante kundishe in dagaalku ka istaagay waxayna gacanta u gashay  xoogagga Ururka Xisbul Islaam.

Ilaa iyo hadda war kama soo bixin dhanka dowladda KMG ah oo ku aadan dagaalkaasi.

Add New Comment