Ciidamada Dowladda KMG oo fariisimo cusub ka sammeystay goobo ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir


Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG ayaa waxaa ay fariisimo cusub ka sameysteen xaafado ka tirsan degmada Dayniile, kuwaasoo kala ah xaafadaha Tawakal, Raadarka, Buulo Mugdi, Tusbaxle iyo weliba warshaddii hore ee Kabka.

Cabsi weyn ayaa soo foodsaartay dadweynaha ku dhaqan xaafadaha ka tirsan degmada Dayniile ee ay ciidamada Dowladda KMG ahi soo degeen, kuwaasoo ka baqaya inay xaafadahaasi uu ka qarxo dagaal ay foodda isku daraan ciidamada Dowladda iyo kuwa dagaalka kala soo horjeeda ee Xarakatul Shabaab Al-Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam.

Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxa ay durbaba billaabeen inay qotaan dhufeysyo ay ku adkeynayaan difaacooda, ayadoo dadweynihii degganaa degaannadaasi qaarkoodna ay billaabeen inay isaga cararaan oo ay naftooda ula baxsadaan meelo ka ammaan roon goobahan.

Dowladda KMG gaarka ah ee Soomaaliya ayaa waxa ay toddobaadyadii ugu dambeeyey heshay ciidamo tiro badan oo loogu soo tababaray dalalka Geeska Afrika qaarkood oo ay ka mid yihiin Jabuuti iyo Yuganda, kuwaasoo sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidan ee Dowladda loo diyaariyey inay dib u qabsadaan goobaha ay magaalada Muqdisho kaga sugan yihiin xoogagga Islaamiyiinta.



Add New Comment