shaqaalihii Dekedda Muqdisho oo bannaanbax looga soo horjeeday xernaashaha dekada sameeyay

Banaanbax oo ay soo qaban qaabiyeen muruqmaalka dekadda Muqdishu ayaa kasoo horjeesteen xernaashaha muddo usbuuc ka badan oo ay xerantahay dekadda magaalada muqdisho kadib markii ganacsatada alaabada kala soo dagaysay dekadaasi ay dhawaan ku dhawaaqeen in ay u hakiyeen alaabadii ay kala soo dagayeen dekada caalamiga ah.

Dadkani ayaa waxay ku dhawaaqayeen ereyo ay ku codsanayeen in howshii dekedda dib loo bilaabo, isla markaana la so af-jaro khilaafka  hakadka geliyay howshii dekedda ka socotay.
 Dadkani Muruq-maalka ah ee dekedda ka xoogsada ayaa waxay sheegeen in ay manaafacaadsan jireen wixii ay ka xoogsadaan dekeddaasi.

Dekedda Muqdisho ayaa muddo dhowr maalmood ah waxaana ka jirin wax dhaqdhaqaaq ah, waxaana taasi ugu wacan iyadoo uu khilaaf soo kala dhexgalay Maamulka Dekedda iyo Ganacsatada wax kala soo dega Dekedda, kaasi oo salka ku haya canshuuro ganacsatada lagu soo kordhiyay iyo weliba ammarro kale oo ay ka mid yihiin in baaritaan lagu sameeyo badeecooyinka ay la soo degto ganacsatada.

Waxyaabaha ay ka cabanayaan ganacsatada ayaa waxaa ka mid ah: lacag laga qaado Doomaha iyo Maraakiibta oo dhan 200$ taasi oo aan horay looga qaadi jirin, Lacag laga qaado gaadiidka raaxada ee Dekedda lagala soo dego, taasi oo dhan  500$ oo ay kala leeyihiin Dowladda dhexe iyo Dowladda Hoose, lacag laga qaado gaadiidleyda oo dhan 20$ iyo lacag 50-100 kun Shillin Soomaali ah oo Gaadiidleyda Dekedda ka baxa looga qaado Jid-gooyo ku taalla Afisyooni.

Lama oga sida ay wax isku badalayaan iyadoo dadwaynaha magaalada muqdsho ay walaac ka muujinyaan xernaasha dekada oo ah mid kaalin muhim ah ka cayaarta baahida bulshada ee dhinaca nolasha waxaana dhowr jeer oo hore oo caqabado soo wajahay dowlada iyo ganacsatada xal laga gaaray kadib markii la isku afgartay

Add New Comment