Kulan ay albaabadu u xiran yihiin oo Golaha Wasiirrada DKMG uga socda xafiiska Ra'iisul-wasaaraha


Kulan xasaasi ah oo ay leeyihiin Golaha Wasiirrada ee Dowladda KMG, oo aan la ogeyn waxa lagaga hadlayo ayaa waxa uu ka soconayaa xafiiska uu Ra'iisul-wasaare Cumar Cabdirashiid ku leeyahay Xarunta Madaxtooyada (Villa Somalia) ee magaalada Muqdisho .


Kulankan oo ah mid ay albaabadu u laaban yihiin oo saxaafadda maxaliga ah loo diiday inay la socdaan ayaa waxa Golaha Wasiirrada ku weheliya qaar ka mid ah taliyeyaasha ciidamada dowladda oo sida la sheegay uu ka mid yahay taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Qaybdiid.


Waxa la saadaalinayaa in kulanka loogaga wada hadlayo arrimo ku saabsan ammaanka magaalada Muqdisho oo inteeda badan aysan dowladdu gacanteeda ku jirini.


Wixii warar ah ee kasoo baxa kulankaasi kala socda shabakadda wararka www.SilGor.com insha'Allaah.



Add New Comment