Wasiirka Degaanka iyo Horumarinta Caalamiga dalka Norway oo sheegay in ay kordhinayaan gargaarka ay siiyaan dalka Soomaaliya


Wasiirka Degaanka iyo Horumarinta Caalamiga ee Boqortooyada Norway Mr. Erik Solheim ay sheegay in dowladda dalkiisu ay kordhin doonto gargaarka bani'aadaminimo ee ay siiso dalka Soomaaliya ee ay dhibaatadu ka jirto.


erik_solheim.jpgMr. Erik Solheim waxa uu sheegay inuu si aad ah uga walaacsan yahay xaaladda shacabka Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay mid aad u adag oo kasii dareysa, asagoona intaa raaciyey in gargaarka raashineed ee caalamka barkiis la geeyo mandiqadda Geeska Afrika.


Wasiirka ayaa sabab uga dhigay dhibaatooyinka ka jira Geeska Afrika dagaallada, degenaasho la'aanta hareysay shucuubta mandiqadda iyo weliba abaaraha faraha ba'an ku haaya.

 

Soomaaliya oo ah dalka ay haysato dhibaatada ugu daran ayaa waxa intaas u sii dheer in gargaarkii la geeyo aan si nabad ah loo gaarsiin karin dadka u baahan, ammaan darrada muddada labaatanka sano ah ka jirta awgeed.



Add New Comment