Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka guddoomay waraaqihiisa aqoonsiga Safiir cusub oo ay Dowladda Jabuuti u soo magacowday Soomaaliya

Munaasabad aad u ballaaran oo lagu qabtay Aqalka Madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey Safiirka Cusub ee dowladda walaalaha aanu nahay ee reer Jabuuti  Mudane Tayib Dhubad Rooble ,halkaa waxaa uu salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Kooxda Baambeyda oo muustik u garaacaysay..

Safiirka ayaa sida heer Madaxweyne loogu soo dhoweeyay Madaxtooyada, isagoo loo garaacay Muustikada  Calanka dalkiisa Jabuuti ,taasoo Safiiirka   aad u  raaligelisay  .

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengeli ayaa soo dhoweeyay safiirka cusub ee ay u soo magacowday Soomaaliya iyo Safaaradeedii ee ay dib u howl gelisay, taasoo uu ku tilmaamay tallaabo yididiilo mudan.

Wasiirka Mr Jengeli waxaa warkiisa ka mid ahaa "Waan ku faraxsanahay in Safiirka cusub loo soo magacaabo halkaan oo ah dalkiisa labaad, Jabuuti waa walaalahayaga, waana na garab taagan yihiin".

Sidoo kale Safiirka cusub ee Jabuuti Mudane Tayib Dhubad Rooble ayaa sheegay inuu ka shaqeynayo sidii u xoojin lahaa xiriirka walaaltinimo ee labada dal, isla markaana uu ula shaqeyn lahaa Dowladda Soomaaliya.

Add New Comment