Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur ayaa shaaca ka qaaday in kulamadii Baarlamaanka ay dib u bilaabi doonaan 5ta bisha December 2009

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay si loo tixgeliyo codsi Xildhibaanno dalka dibaddiisa ku maqan oo waajibaadka Xajka soo gudanaya in kulanka baarlamaanka dib loo qaban doono bisha Desembre 5 teeda.

Shiikh Aadan Madoobe waxa uu caddeeyey in dagaallada iyo amni darrada ka jirta Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho aysan waxba u dhimi doonin qabashada kulamada Baarlamaanka.
Waxaanu ka codsaday Xildhibaannada Baarlamaanka in mudada loo qabtay ay ku yimaadaan Magaalada Muqdisho.

Hadalka uu sii daayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan 60 mudane oo ku shiray Hotelka Wehliye ee Magaalada Muqdisho ay ugu baaqeen Guddoomiyaha Baarlamaanka in uu dib u bilaabo kulamadii Baarlamaanka.

Baarlamaanka Soomaaliya oo aaney weli suurtagal u noqon in uu ku shiro Xaruntiisii hore ayaa wuxuu hadda si kumeel gaar ah ugu shiryaa Xarunta Gobolka Banaadir, iyadoo la xusuusan yahay in dhawaan ay nabadgelyo darro darteed ay uga soo guureen Xaruntii gaadiidka Booliska oo ay ku shiri jireen ka hor intii aaney xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya aysan la wareegin gacan-ku-heynta degmooyin dhowr ah oo ku yaalla Gobolka Banaadir.

Add New Comment