Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Nairobi u jooga wadahadal ay la yeeshaan UNDP


Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda KMG ee Soomaaliya  Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar iyo wafdi uu horkacayo oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee waddanka Kenya lagu wadaa inay la kulmaan hay'adaha Qaramada Midoobey ee fadhigoodu yahay magaaladaasi, kuwaasoo ay kala hadli doonaan dhammeystirka arrimo horey loogaga wada hadlay oo ku aaddan maamulka gobolka Banaadir.

Waxa kale oo ay wasiirka iyo wafdigiisu kala hadli doonaan Xafiiska Qaramada Midoobay (UNDP) ee Nairobi ay u soo dhammeystiri lahaayeen arrimo aanan faahfaahin laga bixin oo la xiriira dhismaha ciidamada Boliiska ee Dowladda KMG ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sida la sheegay waxa booqashada uu ku joogaa dalkaasi Kenya ku weheliya wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha iyo taliyaha ciidamada Boliiska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid.

Arrimaha ugu muhiimsan ee wasiirka iyo wafdigiisu ay halkaasi u joogaan ayey warar xog-ogaal ahi waxa ay sheegayaan inay tahay ciidamada Boliiska oo aan muddooyinkan dambe helin wax mushaarado ah iyo sidoo Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta (UNDP) ay gacan uga geysan lahaayeen dhammeystirka howlaha ka dhiman maamulka cusub ee dhowaan ay Dowladda KMG ee Soomaaliya ay u magacowday gobolka Banaadir.

Add New Comment