Degaannadii ay shalay dagaalladu ka dhaceen ee gobolka Jubbada Hoose oo saakay deggan


Degaannadii ay shalay dagaalladu ku dhex mareen ururrada Xisbul Islaam iyo Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin ee gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu soo warramayaa inay saakay ka jirto xaalad degganaansho ah, walow ay mar kasta dhici karto in dagaalladu dib u soo cusboonaadaan.

 

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo aroornimadii hore ee saakay ay la xariireen qaar ka mid ah warbaahinta gudaha ayaa waxa ay caddeeyeen in xaaladdu ay saakay deggan tahay, sidoo kalena walaayada Islaamiga ah ee gobollada jubbooyinka ayaa dhankooda caddeeyey inay jirto degganaansho oo uusan socon wax dagaal ah.

 

Waxa lagu soo warramaya inay jirto cabsi laga qabo in mar kale ay dagaalladu halkaasi dib uga billowdaan, maadaama aysan jirin wax waan waan ah oo laga galay, xoogaggii dagaallamayna ay weli isku hor fadhiyaan goobihii ay dagaalladu ka dhaceen ee degaanka Xagar ee gobolka Jubbada Hoose.

Add New Comment