Wararkii ugu dambeeyey ee dagaallada ka soconaya Jubbooyinka iyo guulo ay kala sheegteen xoogagga dagaallamaya


Dagaallada ka soconaya Jubbooyinka ayaa waxa kasoo baxaya warar dheeraad ah kaddib markii saakay uu dagaal ka qarxay degaanka Xagar ee gobolka Jubbada Hoose, kaasoo sida la sheegay markii dambe kusii fiday degaanno hor leh oo isla gobolkaasi ah.

Dagaalkan oo ay isaga soo horjeedaan xoogagga Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam oo kol horena ku dagaallamay gudaha iyo hareeraha magaalada xarunta u ah gobolka Jubbada Hoose ee Kismaayo, taasoo ay si buiuxda markii dambe ula wareegeen gacan ku heynteeda ciidamadii Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin.

Dagaallada maanta dhacay ayaa waxa lagu soo warramayaa inay ku geeriyoodeen ugu yaraan 10 ruux, halka dhaawacana lagu sheegay inuu intaasi kasii badan yahay, waxaana lagu soo warramaya in dad dhowr ah oo qaba dhaawacyo dagaalka kasoo gaaray la gaarsiiyey degmada Afmadow.

Afhayeenno u kala hadlay labada urur ee Xisbul Islaam iyo Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin ayaa midba midka kale ku eedeeyey in qolada kale weerar kusoo qaaday, intaa kaddibna guulo ka kala sheegtay aagagga uu dagaalku ka socdo.

Sheekh Xasan Yacquub oo ah afhayeenka Xarakatul Shabaab Al Mujaadiin ee gobollada Jubooyinka ayaa si gaar ah u sheegay in dagaallada socdaa ay ku lug leeyihiin ciidamo ka tirsan Jabhadda ONLF ee u dagaallanta gobanimada dhulka Soomaalida Ethiopia, kuwaasoo gacan siinaya ciidamada Sheekh Axmed Madoobe ee Ururka Xisbul Islaam.

Degmada Xagar ayaa waxaa gebi ahaanba ka go'an isgaarsiinta, waxayna wararkii ugu dambeeyey sheegayaan in degmadu ay haatan ku sugan yihiin xoogagga Xisbul Islaam ee uu hoggaamiyo Sheekh Axmed Madoobe (Sh. Axmed Islaam).


Add New Comment