Dowladda KMG ee Soomaaliya oo maanta saxaafadda usoo bandhigtay dhallinyaro kasoo goostay Ururka Xisbul Islaam


Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa maanta saxaafadda magaalada Muqdisho u soo bandhigtay dhallinyaro ay ku sheegtay inay ka soo goosteen Ururka Xisbul Islaam oo ka mid ah ururrada  sida weyn uga soo horjeeda Dowladda KMG.

 

Soo bandhigidda dhallinyarada oo ay tiradoodu ahayd saddex ayaa waxa ay ka dhacday xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho, ayadoona ay kasoo qayb galeen mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda KMG.

 

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Dowladda KMG ee Soomaaliya Xasan Macalin Maxamuud oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay si wayn u soo dhaweenayaan ciidamada ka soo goosanaya xoogagga ka soo horjeeda dowladda, isagoona intaa ku daray inaan wax dhibaato ah loo geysan doonin ciddii kasoo goosata xoogagga mucaaradka.

 

Waxaa asagana halkaasi ka hadlay mid ka mid ah dhallinyarada ka soo goostay Ururka Xisbul Islaam, kaasoo sheegay inuu ka mid ahaa ciidamadii Xisbul Islaam ee difaaca kaga jiray Isgoyska Howlwadaag.


Waxaa beryahan dambe soo badaneysay soo bandhigidda ciidamo kasoo kala goostay Xoogagga sida weyn isaga soo horjeeda ee Dowladda KMG, Xisbul Islaam iyo Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin, ayadoona ay mararka qaar dhacdo in ay qolo waliba dafirto inay jiraan ciidamo dhankooda ka baxsaday oo u galay dhanka kale.



Add New Comment