Sheekh Shariif oo ka qayb galaya kulan Boqortooyada Sacuudiga iyo dalalka Geeska Afrika uga socda magaalada Addis Abeba


Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa magaalada Addis Abeba ee xarunta dalka Ethiopia kaga qayb galaya kulan ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Boqortooyada Sacuudi Caraabiya iyo dalalka ku yaalla mandiqadda Geeska Afrika.

Kulankan oo galay maalintiisii labaad ayaa ujeeddada ka dambeyso waxa ay tahay sidii iskaashi horumarineed  oo dhinaca dhaqaalaha ay Boqortooyada Sacuudigu ula yeelan lahayd dalalka Geeska Afrika, waxaana ka wada qayb galaya  hoggaamiyayaasha  waddamada Geeska Afrika iyo masuuliyiin ka socda Boqortooyada Sacuudiga.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa masuuliyiinta kulanka ka qaybgaleysa kala hadli doona sidii dowladdiisa looga taageer lahaa dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo mileterigaba, si ay u hanato gacan ku heynta guud ahaan dalka Soomaaliya.

Add New Comment