TACSI - geeridii naxdinta lahayd ee Marxuumad Faaduma Axmed Qadiin


Waxaa dhambaal tacsi ah oo ku aaddan geeridii naxdin lahayd ee ku timid marxuumad Xaajiyo Faaduma Axmed Qadiin naga soo gaartay Xaajiyo Maka Xaaji Cadde iyo carruurteeda iyo sidoo kale Xaajiya Khadiija Xaaji Macow iyo carruurteeda.

Waxayna dhambaalkooda tacsida ku billaabeen sidan:

Annagoo kala ah Xaajiyo Maka Xaaji Cadde iyo carruurteeda iyo Xaajiyo Khadiijo Xaaji Macow iyo carruurteeda oo ku kala sugan dalka dibaddiisa iyo gudahiisaba, tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoyskii iyo eheladii ay ka geeriyootay saaxibaddeen  marxuumad Xaajiya Faaduma Axmed Qadiin iyo guud ahaan qoyska reer Xaaji Cabdulle Butugeey.
Marxuumaddana waxaan Allaah uga baryeynaa inuu ka waraabiyo jannadii Fardowsa, dhammaanteenna uu sabir iyo imaan naga siiyo. AAMIIN - AAMIIN - AAMIIN - AAMIIN

Add New Comment