Madaxweyne Sh.Shariif oo dhagaha ka fureystay dalabkii Madaxweynaha maamulka Puntland



sh.shariif oo dhegaha ka fureystay codsiga  faroole.jpg

Kulankii Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Puntland ay ku yeesheen  Nairobi ayaa fashil ku dhammaaday kadib markii Madaxweynha Soomaaliya Sh.Shariif uu ku adkeestay inta maamul Goboleedyada oo dhan la wada dhameystiraayo aan Gobol si gooni ahaan wax loo siin doonin..

Ilo ku dhow dhow Kulanka ayaa sheegaya in Madaxweyne Shariif uu gebi ahaanba qaadacay heshiiskii ay wada saxiixeen 23 Agoosto 2009 Ra'iisul Wasaare Cumar C/rashiid iyo Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole , hishiiskaa oo ka koobnaa 15 qodob, waxaa caqabad weyn ku noqday  hishiiskaasi in la aqbalo qodabada ay ka midka yihiin:

1-in deeqaha waxbarasho iyo dhaqaalaba 100 kiiba 25 la siiyo Dadka u dhashay  Puntland,

2- In Puntland ay wafdi Walba oo dowlada Federaalka ah ee caalamka u baxayo ay ku darsato xubno ayaga si gaar ah u matala.

3- In Puntland heshiisyada Caalamiga ah si gaar ah ulla geli karto cidii ay doonto, illaa inta laga dhisayo Maamulada kale ee Federaalka ah ee Soomaaliya, uuna ka dhaqan galayo Dastuurka Federaalka Soomaaliya.
 

Goaanka diidmada uu qaatay madaxweyne Sheikh Shariif ayaa aad waxaa u soo dhaweyey Soomaali badan oo u arko maamulka Puntland mid danta Soomaliyeed ka doorbiday mid qabiil iyo Gobalaysi.

Add New Comment