Midowga Yurub (EU) oo sheegay in kummanaan ciidamo ah u tababari doonaan Dowladda KMG ee Soomaaliya


Midowga waddamada reer Yurub ayaa sheegay in kulan 17-ka bishan November ay yeelan doonaan wasiirada arrimaha dibedda ee EU-da ay kaga wada hadli doonaan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen tababaridda kumanaan  ka tirsan ciidamada Dowladda KMG ee Soomaaliya.


Ciidamada loo tababarayo Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa waxa ay hadda qaarkood ku sugan yihiin waddanka Yuganda, ayadoo qaar kale oo fara badanna lagu kordhin doono, si Dowladdu awood ugu yeelato la dagaalanka kooxaha kasoo horjeeda iyo sugidda ammaanka waddanka.


Sidoo kale waxa kulanka Midowga Yururb lagaga wada hadli doonaa wax ka qabashada kooxaha burcad-badeedda Soomaalida ah ee qatarta geliyey mid ka mid ah marinnada ugu muhiimsan caalamka ee dhinaca isu socodka gaadiidka badaha iyo ganacsigaba.

 

Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa bilihii ugu dambeeyey heshay ciidamo fara badan oo tababarro kusoo kala qaatay waddamada Geeska Afrika qaarkood, ayadoo qaar fara badan oo ciidamadaasi ka mid ahna ay dib ugu soo laabteen gudaha dalka, waxaanse la saadaalin karin awoodda ay ciidamadaasi u yeelan doonaan sugidda ammaanka dalka.



Add New Comment