Guddoomiyihii Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Bari iyo Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland oo caawa lagu kala dilay Magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe

Xildhibaan Ibraahim Cilmi Gaab Allaha u naxariistee ayaa la dilay caawa  7:30 pm ee fiidnimo, isaga oo fadhiyay maherad shaaha laga cabo oo ku taala bartamaha Garoowe, una dhaw makhaayada caanka ah ee la yiraahdo Raysqaboobe.
 xildhibaanka waxaa dileen labo nin oo wejiga soo duubtay kuwaasoo Bastoolado ku hubaysnaa,  nimanka dilka gaystay waxay  u careereen wado mugdi ah cid ka daba baxdayna ma jirin.
 Dad goobjoogayaal ah waxay sheegeen in xildhibaanka maydkiisa loo qaaday Cusbitaalka Guud ee Magaalada Garoowe.

Dilkan Xildhibaan Ibraahim Cilmi Gaab ee ka dhacay Magaalada Garoowe ee caasimada Puntlnad, ayaa ku soo aadaya saacad iyo bar kadib markii magaalada Boosaaso lagu diley Gudoomiyihii Maxkamada Darajada koowaad ee Magaalada Boosaaso Shiikh Maxamed Cabdi Awaare.
Marxuumka ayaa waxaa la xaqiijiyey in dabley afka soo duubatay ay ku dishay xili uu kasoo baxayey Masjid ku yaal nawaaxiga suuqa weyn ee magaalada Bosaaso, halkaasi oo la sheegay inuu Guddoomiyaha u dhintay tacshiiradii la la beegsaday.

Shiikh Maxamed Cabdi Awaare Allaha u naxariistee waxay da’adiisu aheyd 75 sano wuxuu ahaa guddoomiyaha Maxkamada Boosaaso tan iyo maamulkii SSDF ee ka horeeyey dhismihii Dowladda Puntland.

Habeenadii lasoo dhaafay ayey magaalada Bosaso ay ka socdeen baaritaano ay wadeen ciidamada Amniga kuwaasoo sheegay inay ku raadjoogaan kooxo amniga wax u dhimi kara.

Guddoomiyaha la dilay, xukumadii ugu danbeeyey ee uu riday  kuwii ugu xasaasisanaa ayaa waxa ka mid ah Xukun 15 sano ah oo ay Maxkamada Bosaso ku xukuntay nin lagu eedeeyey dilka 41 qof oo Tahriibayaal ah 4tii November 2009. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale 3dii bishan November xukun ku riday 5 nin oo lagu eedeeyey inay kamid ahaayeen Al Shabaab isla markaana abaabulayeen weeraro ka dhan ah amniga Puntland waxayna raggaasi  maxkamada ku xukuntay 15 sano oo xarig ah.


Ma jiraan koox sheegatay dilalkan caawa lala beegsaday Guddoomiyihii Maxkamada Bosasoiyo Xildhibaanka, ayadoo horey ay u dhaceen shirqoolo noocaan ah oo lala beegsaday Saraakiil iyo kuwo horey uga mid ahaan jiray ciidamada Amniga oo lagu dilay magaalada Bosaaso, ayadoo inta badan dilalkaasi kooxihii ka danbeeyey aan weli gacanta lagu soo dhigin





Add New Comment