Ra'iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho


Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa intii uu dalka ka maqnaa waxaa uu safarro ku soo kala bixiyay dalalka Kenya, Britain, Belgium, Switzerland iyo Imaaraadka Carabta, wuxuuna dalalkaas qaarkood ku tegay martiqaad rasmi ah, halka kuwo kalena uu safar kaliya ku soo maray.

 Ra’iisul Wasaaraha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu scumar cabdirsahiid.jpgoo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya asagoo ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde , halkaasi ayaa waxaa kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda, waxaana kaddib loo galbiya hoyga uu Magaalada Muqdisho ka degan yahay iyadoo ay ammaanka si weyn u adkeynayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom.
Afhayeenka Dowlada KMG ah C/qaadir walaayo waxa uu saxaafada u sheegay in wasiirka kowaad  Cumar C/rashiid  waxa uu Dowladdaha Yurub qaarkood kasoo helay balanqaadyo farabadan oo wax loogu qabanaayo dowldda uu horkacayo Madaxweyne  Sheekh Shariif .
War saxaafadeedkaasi  waxaa kaloo lagu sheegay in Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya intii uu ku sugnaa wadanka Ingiriiska in uu kulamo la yeeshay Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Ingiriiska Mr Dived Milafan islamarkaana ay isla soo qaadeen xaaladda dalka Soomaaliya iyo sidii wax loogu qaban lahaa shacbiga Soomaaliyeed ee xilligan ku barakacay duleedka magaalada Muqdisho.
 
Sidoo kale War Saxaafadeedka waxaa lagu xusay in Ra’iisul Wasaare Sharma’arke uu kala hadlay Madaxda ugu saraysa Midowga Yurub xaalada muragsan ee dalka Soomaaliya iyo sidii loo samato bixin lahaa shacabka Soomaaliyeed islamarkaana waxay meel isla soo dhigeen sidii loosoo celin lahaa  xiriirkii ay lahaan jireen Soomaaliya iyo Waddamada Reer Yurub .

 

Add New Comment