Marxuum Macallim Nuur Maxamed Siyaad oo maanta si heer qaran ah loogu aasay magaalad Muqdisho


Allaah ha u naxariistee Macalin Nuur Maxamed Siyaad ayaa maanta si heer qaran ah loogu aasay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, ayadoona ay aaskiisa ka qaybgaleen madax sare oo ka tirsan Dowladda KMG, culimaaudiin iyo dadweyne aad u fara badan.

Dayaarad soo caga dhigatay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho barqanimadii maanta ayaa lagu keenay meydka Al-Marxuum Macallim Nuur Maxamed Siyaad ayadoo ay garoonku ku sii sugnaayeen masuuliyiin dowladda ka tirsan, culimaa'udiin, eheladii Macalimka iyo dadweyne aad u fara badan oo kumanaan kor u dhaafaya.

Macallim Nuur Maxamed Siyaad ayaa ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed ee qaddarinta ku lahaa mujtamaca dhexdiisa, waxa uuna Macallimku ku caambaxay kaalintii uu ku lahaa barashada Qura'aanka Kariimka ah, taakuleynta dugsiyada lagu barto Qur'aanka iyo weliba masaajidda oo uu gacan weyn ka geysan jiray.

Marxuum Macallim Nuur Maxamed Siyaad waxa kale oo uu gacan ka geysan jiray nabadeynta iyo ka hortagga dagaalladii sokeeye ee muddada 19-ka sano ah ka soconayey magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya, sidoo kalena wuxuu u ololeyn jiray ku dhaqanka shareecada Islaamka iyo xallinta dhibaatooyinka bulshadeed ee haystay ummadda Soomaaliyeed.

Mas'uuliyiinta warsidaha www.silgor.com waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhammaan   Eheladii,Qooskii,Qaraabadii,Assaxaabtii,Culumadii taqaanay, Xertiisii iyo Soomaaliyoo dhan inuu Allaah ka samir siiyo.Marxuumkana Illaahay inuu u naxariisto oo Jannadii Firdoowsa ka waraabiyo Aaamiiiin 


MacalimNuur.jpg



Add New Comment