Madaxweynihii hore dalka Suudaan Jacfar Al-Numeiri oo sabtidii ku geeriyooday magaalada Khartoum


KHARTOUM, Suudaan - Madaxweynihii hore ee waddanka Suudan Jacfar Maxamed Al-Numeiri oo 79 jir ahaa ayaa maalinnimadii shalay oo sabti ahayd, bisha Mayna ay ahayd 31 ku geeriyooday magaalada Khartoum sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Suudaan.

Jacfar Al-Numeiri wuxuu madaxweyne ka noqday waddanka Suudaan sanadkii 1969kii, kaddib markii uu xukunka kula wareegay inqilaab milatary oo uu isagu hurkacayey, wuxuuna talada dalkaasi haayey muddo 16 sano ah.

Jacfar Maxamed Al-Numeiri waxaa lagu xusuustaa inuu dalka Suudaan kusoo rogay ku dhaqanka shareecada Islaamka iyo in sanadkii 1972 dii uu heshiis nabadeed la saxiixday falagadii Krishtaanka iyo cawaanta isugu jirtay ee ka dagaalamayey koonfurta waddankaas.

Sanadihii 1985 - 2000 Al-Numeiri wuxuu ku noolaa magaalada Qaahira ee waddanka Masar halkaasoo uu ka helay magangalyo siyaasadeed, wuxuuna dib ugu soo laabtay waddanka Suudaan kaddib markii madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir u oggolaaday inuu dib ugu soo laabto waddanka.

Madaxweyne Al-Bashir mar uu sabtidii ka hadlayey marxuum Jacfar Al-Numeiri ayuu ku sheegay inuu ahaa "hoggaamiye waddani ah" kaasoo aasaaska u dhigay ku dhaqanka shareecada Islaamka oo aasaas u ahayd xukun caadil ah.

Wakaaladda wararka ee dalka Suudaan ma sheegin sababta dhimashada Madaxweynihii hore ee Suudaan marxuum Jacfar Maxamed Al-Numeiri.

Add New Comment