Dowladda KMG Soomaaliya oo ganacsatada Soomaaliyeed uga digtay isticmaalka Garoomada iyo dekadaha ay sheegtay dowladda KMG in ay xiranyihiin


Dowladda KMG Soomaaliya aya uga digtay ganacsatada Soomaaliyeed isticmaalka dekadaha iyo Garoomadii dhawaan la xanibay ee gacanta ay ku ahayaan xoogaga dowladda ka horjeeda.

 

Wasiirka Gaadiidka Badda iyo dekadaha Max’ed Ibraahim Xaabsade oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ugu digay ganacsatada  in alaabo ay kala soo dagaan dekadaha iyo Garoomada ay dhawaan sheegtay dowladda KMG Soomaaliya in ay xiranyihiin kuwaasi oo gacanta ugu jira kooxaha ka soo horjeeda dowladda KMG Soomaaliya.

 

Waxaa uu sheegay Xaabsade Ganacsatada ilaa hadda markii uu go’aankaasi soo baxay Alaabada ka soo dajiyay dekadaha iyo garoomadaasi hadii aanay ka waantoobin ay dhibaato  soo gaari doonto sida uu hadalka u dhigay,waxaana uu sheegay in dhibaatadaasi ay u geysan doonaan maraakiib iyo diyaarado ku sugan badda dhexdooda oo laga leeyahay wadamada Caalamka.

 

Sidoo kale wasiirka Gaadiidka Badda iyo dekadaha Max’ed Ibraahim Xaabsade ayaa waxaa uu sheegay in markab ku sii jeeday dekadda Magaalada Kismaayo diyaarado iyo maraakiib badda ku sugan ay qabteen islamarkaana ay dib u soo celiyeen,waxaana uu sheegay ganacsatada in arintaasi oo kale ay qabsan doonto hadii aanay ka waantoobin howlaha ay wadaan.

 

Si kastaba ha ahaatee dhawaan ayey aheeyd markii  golaha Wasiirada Xukuumadda dowladda KMG Soomaaliya kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen ay ku ansixiyeen in ay xiranyihiin dhamaan dekadaha iyo garoomada gacanta ugu jira kooxaha dowladda ka soo horjeeda iyadoo ilaa iyo haatana aanay jirin garoomada iyo dekadahaasi wax iska badalay howlahoodii caadiga ahaa.


Add New Comment