Warar aan la hubin ayaa sheegaya in Col Cumar Xaashi lagu weeraray gudaha Ethiopia


Warar aan la hubin ayaa sheegaya in Wasiirka Amniga Qaranka ee Soomaaliya Col. Cumar Xaashi Aaden lagu   weeraray degaan ka tirsan Ismaamulka Soomaalida Ethiopia, kaddib markii uu dayaarad uga soo safray magaalada Addis Abeba, kana soo degay garoon dayuuradeed oo ku yaalla magaalada Godey ee dhulka Soomaalida Ethiopia.

Col. Cumar Xaashi Aadan ayaa kulan lasoo yeeshay saraakiil Ethiopian ah, kuwaasoo ay isla soo qaadeen sidii ay dowladda Ethiopia gacan uga geysan lahayd howlaha lagu sugayo ammaanka waddanka Soomaaliya, kaddibna safar xagga dhulka ah ugu soo kicitimay dhinaca waddanka Soomaaliya halkaasoo sida la sheegay lagu weeraray.

Lama soo sheegin wax qasaare ah oo uu sababay weerarkaas, hase ahaatee waxaa si cad u beeniyey inuu jiray weerar lagu qaaday wasiirkaa Soomaaliga ah afhayeenka xafiiska Ra'iisul wasaaraha Ethiopia.

Add New Comment