Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta u kicitamay dalka Libya


Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa saakay ka ambabaxay Gegida dayuuradaha Caalamiga ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iayagoo ku sii jeeda magaalada Tripoli ee xarunta dalka Liibiya oo ay kaga qayb geli doonaan shirka waddamada laysku yiraahdo Saaxil & Saxara.

Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya xubno ay ka mid yihiin wasiirka Dib-u-dhiska Dr Xuseen Ceelaabe Faahiye, wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Sheekh Maxamuud (Waayeel) iyo saraakiil kale oo ka tirsan xafiiska ra'iisul wasaaraha.

Kulanka ururka Saaxil & Saxara ee ka furmi doona magaalada Tripoli ee waddanka Libya ayaa socon doona laba maalmood, kaasoo ay ka qayb gali doonaan waddamo badan oo Afrikaan ah kana tirsan ururka Saaxil iyo Saxara.

Shirkan ayaa inta uu socda waxa si weyn loogaga hadli doonaa arrimaha ku saabsan caafimaadka iyo dhaqanka dalalka xubnaha ka ah ururka, ayadoo sidoo kalena lagu soo qaadi doono xaaladda dalka Soomaaliya oo la filayo in dalalka xubnaha ururka ka tirsan ay taageero u fidiyaan dowladda  Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke ayaa halkaas ka jeedin doona khudbad dheer oo uu kaga warbixin doono xaaladda Soomaaliya, lana filayaa inuu weydiisan doono taageero uu ururku u fidiyo dowladdiisa.

Add New Comment