Bulgaariya oo sheegtay inay ka qayb qaadan doonto la dagaalanka burcad badeedda Soomaalida


Dowladda Bulgaria ayaa shaaca ka qaadday sida ay u daneynayso ka qayb qaadashada ololaha caalamiga ah ee ay gaashaanbuurta NATO, Midowga Yurub iyo dalal kale oo fara badan wadaan ee lagula dagaalamayo burcad badeedda qatarta gelisay marinnada caalamiga ah ee ku teedsan xeebaha Soomaaliya.

 

Dowladda Bulgaria waxay sidoo kale sheegtay in ay howlagalka loogu magac daray ATLANTA ee ay xeebaha Soomaaliya ka wadaan wadamada reer Yurub ay si buuxda uga qayb qaadaneyso, ayadoona u soo diri doonta xeebaha dalka Soomaaliya ciidamo iyo maraakiib dagaal.

 

Bulgaria ayaa noqoneysa dalkii 6-aad oo ka tirsan Midowga Yurub oo sheega inuu ka qayb qaadan doono howlaha lagu cirib tirayo bucad badeedda Soomaalida ah ee ku sugan biyaha Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.

 

Waxaa hadda ku sugan biyaha ku teedsan Soomaaliya ciidamo iyo maraakiib dagaal oo ay leeyihiin dowladaha Britain, Italia, Griigga, Spain, Sweden iyo kuwo kale oo ka kala socda qaaradaha kale ee adduunka, kuwaasoo ilaalo ka haaya ammaanka marinnada badeed ee Soomaaliya.

 

Howlgalkan ATLANTA ee ay waddamada reer Yurub ka wadaan xeebaha Soomaaliya ayaa dubaba suurtagal ka dhigay in la fashiliyo dhow isku day oo ay burcad badeedda Soomalidu ku doonayeen inay ku qafaashaan maraakiib ganacsi oo marayey gudaha iyo meelo ka baxsanba biyaha Soomaaliya.



Add New Comment