Golaha Ammaanka oo waqtiga u kordhiyey sii joogidda AMISOM


Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa go'aan ku gaaray in waqtiga loo kordhiyo Ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ee ku sugan Soomaaliya, sidoo kalena cambaareeyey afgambigii lala damacsanaa dowladda KMG ee Soomaaliya, kaddib kulan deg deg ah oo ay maanta ku yeesheen xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

Kulankan oo ay isugu yimaadeen Golaha Ammaanka ayaa ahaa mid deg deg ah, ayadoona looga hadlayey xaaladaha ka jira dalka Soomaaliya, waxaana lagaga dooday sidii waqtiga loogu kordhin lahaa ciidamada Midowga Afrika (AMISOM).

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay bayaankooda laguma sheegin waqtiga ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ay sharci ahaan sii joogi doonaan dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Ciidamada AMISOM ayaa waxaa loogu deeqay lacago fara badan taasoo qeyb ka ah lacagtii dhawaan Dowladda Soomaaliya loogu aruuriyay shirkii ka dhacay Magaalada Brussels ee wadanka Belgium.

Golaha Ammaanka ma sheegin in Soomaaliya loo soo diri doono ciidamo dheeraa ah oo lagu xoojiyo kuwa hadda jooga ee ka kala socda Ugandha iyo Burundi, kuwaasoo ilaalo ka haaya goobaha muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, sida dekedda, airportka iyo xarunta madaxtooyada.

Golaha Ammaanka ayaa waxaa uu cambaareeyayay isku dayada Xoogaga Mucaaradka ku doonayaan inay ku afgambiyaan Dowladda sharciga ee Soomaaliya.

Add New Comment