Dagaal ayaa ka qarxay degmada Mahadaay


Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee taageersan Dowladda KMG iyo xoogagga Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo iskaashanaya ayaa haatan ka socda degmada Mahaadaay ee Gobolka Shabeelada Dhexe.

Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii ay xoogagga Maxaakimta Islaamka ay beryahaan si weyn isugu soo abaabuleen degaanno ka tirsan degmada Mahadaay oo ay ayagu horey uga talin jireen lagalana wareegay gacan ku haynteeda kaddib markii Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam ay kusoo duuleen, si dhib yarna kula wareegeen.

Dagaalkan oo laysu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaan la ogeyn khasaaraha ka dhashay, ayadoo wararka qaarna ay sheegayaan in dadweynaha degaankaas ay qaarkood isaga qaxeen guryahoodi kadiib markii ay u adkeysan waayeen hubka culculs ee dagaalka laysku weydaarsanayo.

Wixii warar ah ee ka soo kordha dagaalka dib ayaan idinkugu soo sheegi doonnaa, insha'Allaah.

Add New Comment