Madaxweyne Sheekh Shariif oo dalbaday in Soomaaliya laga difaaco ajaanibta kusoo duushay


Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dalbaday in Soomaaliya laga difaaco cadow uu ku tilmaamay inay yihiin dad ajaanib ah oo dalka dibedda uga soo duulay.

 

Madaxweynaha oo shir jaraa’id maanta ku qabtay xarunta Madaxtooyada (Villa Somalia) ayaa beesha caalamka iyo umadda Soomaaliyeedba ugu baaqay inay dowladda ka difaacaan kooxo uu ugu yeeray ajaanib dalka ku soo duulay oo ka barbar dagaalama xarakada Al-Shabaab.

 

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa kale oo uu sheegay in kooxahaasi ajaanibta ah ee soo duulay ay doonayaan in Soomaaliya ay ka dhigaan sidii waddamada Ciraaq iyo Afghanistaan oo kale.

“Group-ada ka dagaalamaya dalka Soomaaliya waad ogtihiin in ay ka soo dagaalameen wadamo badan oo aduunka ah isla markaana ay dhibaatooyin ka soo huriyeen,Waad la socotiin waxa ka dhacay Ciraq iyo Afghanistan in maanta laga dhigo Soomaaliya sidaasi oo kale shacabka ma qaadi karaan arintaasi.” ayuu yiri Madaxweynaha dowlada kmg Soomaaliya.

 

Sidoo kale Sheekh Shariif waxaa uu shirkiisa jaraa’id uu ku soo dhaweeyay Dedaalo uu ku tilmaamay dib u xureyn oo ka socda gobolada dalka iyo magaalada Muqdisho.
 

“Waxaa soo dhaweyneynaa dedaalada ka socda gobolada dalka iyo Caasimada Soomaaliya sida Hiiraan, Shabeelada Dhexe, Galgaduud iyo Weliba gobolada ay ka socdaan halganka Xureynta aad ayaan u soo dhaweyneynaa waana fursad uu shacabiga Soomaaliya ku soo ceshan karo Xuriyadiisa.” Ayuu yiri Shiikh Shariif

 

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in shirkii dhawaan wadamada IGAD ay ku soo gabagabeeyeen magaalada Addis Ababa ay ka soo bexeen go’aamo dhaxal gal u ah umadda Soomaaliyeed kuwaasi oo ay ka mid yihiin in cuna qabateeyn lagu soo rogo garoomada ay ka soo dejiyaan hubka iyo ajaanibta ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya iyo in la taageero dowalada kmg Soomaaliya.
 
Hadalka madaxweynaha dowlada kmg Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku soo aadaya xili xoogaga ka soo hor jeeda dowlada kmg ay sheegeen in ay dagaalada ka socda dalka Soomaaliya ka qeyb qaadanayaan Walaalo Muslimiin ah oo aan lagu tilmaami karin Ajaaniib.

Add New Comment