Ururka Al-Shabaab oo sheegtay weerarkii is miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Muqdisho


Sheekh Xuseen Cali Fiidoow oo ah madaxa Ururka Al-Shabaab u qaabilsan arrimaha siyaasadda iyo gobollada, ayaa qirtay in uu ururkoodu ka dambeeyey weerarkii is-miidaaminta ahaa ee shalay lagu qaaday xaruntii keydka shidaalka oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed, wuxuuse Sheekh Fiidoow meesha ka saaray in weerarkaasi uu fuliyey qof ajnabi ah.

Sheekh Xuseen Cali Fiidoow ayaa tilmaamay in qarixii ismiidaaminta uu fuliyay wiil dhallinyaro soomaali ah, magaciisana uu ku sheegay C/qaadir Xasan Maxamed, waxaana uu sheegay inuu ka mid ahaa dhalinyarada degan Degmada Madiina sida uu hadalka u dhigay.

Sheekh Xuseen Fiidoow ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan weerarrada is-miidaaminta ah ee lala beegsanayo xaruumo muhiim ah ay leedahay dowladda KMG Soomaaliya, asagoo aan caddeynin goobahaasi kuwa ay yihiin.

Ururka Al-Shabaab ayaa ah urur-diimeedka ugu xoogga wayn ururrada ka jira Soomaaliya, ayadoo ururkani  ka mid yahay ururrada ay dowladda Mareykanku u aqoonsan tahay inay ka mid yihiin argagixisada caalamiga ah ee xagjira.

Add New Comment