Qarax is miidaamin ah oo lala beegsaday xarunta keydka shidaalka ee Dowladda Soomaaliya


Weerar is miidaamin ah oo uu fuliyey qof naftii hure ah ayaa maanta lagu qaaday xaruntii keydka shidaalka Haama Dhowrka ee degmada Xamar Jabjab ee magaalada Muqdisho, halkaasoo lagu keydiyo shidaalka dowladda KMG.

Is-qarxintaan ayaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa mar qura  laga wada maqlay degaannada ku xeeran halka uu qaraxu ka dhacay, sidoo kalena waxaa la arkayey qiiq iyo olol cirka isku shareeray.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxan uu geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dad goob joogayaal ah ayaa soo sheegaya in gaariga qaraxa fuliyay uu dhowr jeer noq noqonayay saaka oo idil agagaarka xaruntaas, iyadoona qadaro yar kadib uu Gaariga galay Xarunta Keydka Shidaalka, isagoona jiiray ilaalo ku sugneyd afaafka hore ee xaruntaas.

Qaraxa kaddib ayaa waxaa la dareemayaa xaalad kacsanaan ah oo ka jirta goobta uu qaraxu ka dhacay, ayaadoona la maqlayo rasaas ka dhaceysa qoryo kala duwan, qaraxyada noocan oo kale ah ayaa caadi ka ah magaalada Muqdisho, laakin waa markii ugu horreysay oo loo adeegsado ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya tan iyo markii lagu soo dhisay magaalada Jabuuti.


Add New Comment