Dagaalo iyo duqeymo galabta mar kale ciidamada dowladda iyo xoogaga ka soo horjeeda ku dhexmaray wadada wadnha ee Magaalada Muqdisho


Dagaalo iyo duqeymo u dhaxeya ciidamada dowladda iyo xoogaga Mucaaradka ayaa galabta mar kale waxaa ay ka dhaceen meelihii ugu kululaa ee dagaaladii shalay ay ka dhaceen ee qeybo ka mid ah xaafadaha Magaalada Muqdisho.

 

Dagaalada oo intoobadan ka dhacay wadada wadnaha gaar ahaan agagaarka isgoyska Aadan Cadde iyo meel ku dhow Agagaarka Isgoyska sanca ayaa waxaa labada dhinac ay isku adeegsadeen rasaasta cul culus iyo madaafiic dhowr ah kuwaasi oo ku soo dhacayay meelo ka baxasan goobaha lagu dagaalayo.

 

Inta la ogyahay Ilaa 3-qofood oo rayid ah ayaa ku geeriyooday dagaalada maanta ka dhacay Muqdisho iyadoo 13-kalena ay ku dhaawacmeen Sida uu warbaahinta Shabelle u sheegay goob jooge ku sugan Aaga uu dagaalku ka dhacay.

 

Sidoo kale duqeymo dagaaladaasi daba socday ayaa iyana waxaa ay ku dhaceen goobihii shalay lagu dagaalamay gaar ahaa Suuqa bakaaraha Iyo hareerihiisa,waxaan gudaha Suuqa galabta ku dhacay dhowr Madfac kuwaasi oo sababay dhaawac iyo dhimasho dad rayid ah,iyado sidoo kalena ay jiraan madaafiic lagu weeraray xarunta madaxtooyada.

 

Gaadiidka Gurmadka deg dega ah ee ka howlgala Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay in ay qaadeen ilaa 13-ruux oo ku dhaawacantay rasaasta iyo madaafiicda labada dhinac ay is weydaarsadeen sida uu Shabelle u sheegay Cali Muuse oo ka mid ah saraakiisha gaadiidka Gurmadka deg dega ah.

 

Si kastaba ha ahaatee waxaa caawa degan goobihii lagu dagaalay galabta iyadoo hadda aysan jirin madaafiic ama rasaas kale oo aagaasi laga maqlayo.


Add New Comment