Rasaas goos goos ah iyo madaafiic ka billaabatay Muqdisho


Dhawaaqa madaafiicda iyo rasaasta ayaa dib uga billowday goobihii ay isku hor fadhiyeen ciidamadii shalay ku dagaalamay magaalada Muqdisho ee ciidamada dowladda KMG iyo dhaqdhaqaaqyada Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab.

 

Madaafiicda iyo rasaasta ay is weydaarsanayaan labada dhinac ee ilaa iyo iminka la maqlayo ayaa ah mid ku billaabatay si goos goos ah, waxaase jira madaafiic dhowr ah oo ku soo dhacday Suuqa Bakaaraha gudihiisa, taasoo ay waxyeello kasoo gaartay dad rayid ah oo ku ganacsanayey suuqa gudihiisa.

 

Dhawaaqa rasaasta iyo madaafiicda ayaa ah mid laga wada maqli karo guud ahaan xaafadaha magaalada Muqdisho, ayadoo dhawaqa madaafiiduna ay marba marka ka dambeysa ay soo xoogeysanayaan.


Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in durba uu jiro qasaare ka dhashay duqeyntaas oo ay tiro dad ahi ku dhaawacmeen madaafiicda kusoo dhacday Suuqa Bakaaraha, ayadoona laga yaabo inay xitaa jiri karto dhimasho.


Dagaalkan ayaa daba socda dagaalkii weynaa ee shalay magaalada ku dhex maray xoogagga labada dhinac, oo dowladduna ay ku sheegtay inuu billowday howgal magaalada lagaga sifeynayo kooxaha mucaaradka hubeysan ee qaybo badan oo magaalada ah ayagu gacanta ku haya.

 

Wixii warar ah ee dagaaladan kasoo kordha kala socda shabakadda wararka ee www.SilGor.com Insha'Allaah.




Add New Comment