Dowladda Soomaaliya oo guulo ka sheegatay dagaallada Muqdisho


Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Soomaaliya Prof. Maxamed Cabdi Gaandi ayaa sheegay in ciidamada dowladdu ay guulo ka gaareen dagaalladii saaka aroornimadii ka bilowday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, asagoona isla mar ahaantaa ku eedeeyey  kooxaha mucaaradka inay ayagu dagaalka soo qaadeen.

Wasiirka Gaashaandhigga Prof. Gaandi oo xarunta Madaxtooyada shir jaraa'id ku qabtay ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada dowladda ay billaabeen dagaal qorsheysan, maantana ay kala wareegeen xoogagga hubeysan ee mucaaradka gacan ku haynta waddada Wadnaha, wuxuuna beeniyey in ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay ka barbar dagaalamayeen kuwa dowladda.

Dagaalada ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa sida ay caadadu tahay qola kasta guulo ka sheegataa iyadoo sidoo kalena ay qoloba qolada kale ku eedeyso inay ayadu dagaalka soo qaadday, waxaase maanta caddatay in ciidamada Dowladda Soomaaliya ay maanta muujiyeen awood aad uga sarreysa tii maalmihii dhowaa lagu arkayey.

Add New Comment