Dagaalo saf ballaaran ayaa ka socda Wadada Wadnaha ee Magaalada Muqdisho,

Waxaa arroornimadii saakay si siman dagaal aga bilowday jirka wadnaha sida isgoosyada faloransa, howl-wadaag iyo Hodan. kaddib markii ciidamada dowladda KM ayay dagool xoogan ay ku soo qaaday wadadaasi wadnaha loo yaqaan ee ay ku sugnaayeen ciidamada Mucaaradka(al-shabaab iyo xisbul islaam) .

dagaalkani waxa uu saameeyay degmooyinka wardhiigle howl-wadaag iyo hodan , waxuuna uu u muuqdaa in uu yahay dagaal si aad ah loo soo abaabulay taasoo looga danleeyahay in dib looga qabsado xooggagaga mucaaradka waddada loo yaqaan wadnaha oo ah waddada sedexaad oo ay haysteen ciidamada mucaaradka.

wararka ka immaanayo goobaha dagaalka waxa ay leeyihiin ciidamda dowladda KM waxay gacanta ku dhigteen goobo ay markii hore ay fadhioyeen Mucaradka sida Isgooska faloransa ,Isgooyska Howlwadaag, kan Bakaaraha iyo Kan Kaasabal balaare oo ay dhamaantood gacanta ugu jireen kooxaha Mucaardaka Dowladda inkastoo isgoyska faloransa ay weli ka socdaan dagaal laysku adeegsaday hubka nooyadiisa kala duwan iyo madaafiicba.

Dagaakaan ayaa la sheegayaa inuu xoogaystay iyadoo haatan kooxaha ka soo horjeeda dowladda ay la wareegeen Isgoyska H/Wadaag iyo Aadan Cadde oo ay saakadi hore ay qabsadeen  ciidamada Dowladda KMG ah.

Waxaa sii xoogaysanaaya dagaalka, iyadoo la maqlaayo daryanka madaafiicda iyo dhawaqa rasaasta, wuxuuna dagaalku u muuqanayaa in qolo walba markeeda la riixayo arrintaasoo aan u wannaagsanayn dadweynaha degan xaafaddahaasi laysku haysto kuwaasoo ku waynayo naf iyo maalba, ilaa iyo hadda waxaa la soo sheegayaa in uu ku geeriyooday allaha u naxariistee wariye ka tirsanaa idaacada shabeelle oo magaciisu la dhihi jiray Wariye C/risaaq Warsame Max'ed (C/risaaq Gaadaco)Waxaa ay Xabadii uu ku geeriyooday ay ku haleeshay marka uu laamiga goyn rabay agagaarka saldhiga degmada Wardhiigleey .

Illaa iyo hada si dhab ah looma ogoon karo qasaaraha uu dagaalkaasi geystay balse waxaa la arkayay gaadiidka gurmadka deg deg ah  oo kasoo gurayo dad daawac ah gudaha goobaha dagaalka ka socdo inkastoo aan weli si rasmi ah loo sheegi karin qasaaraha uu geystay dagaalkani.

wixi ku soo kordha dagaaladani dib ayaad kala socon doontaan www.silgor.com

Add New Comment