Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) oo maanta iska casilay xilkii afhayeenka Ururka Al-Shabaab


Afhayeenkii Ururka Alshabaab Sheekh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) ayaa maanta gelinkii daambe ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii afhayeennimada ee uu ka hayay Ururka Islaamiga ah ee Al-Shabaab ee dgaalka kula hubeysan kaga soo horjeeda dowladda Soomaaliya.

Abuu Mansuur oo shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu xilkaas ku wareejiyay Afhayeenka cusub Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere).

"Maanta wixii laga bilaabo waxaan u sheegayaa shacabka iyo Mujaahidiinta, inaan iska casilay xilkii aan u haayay walaalaha"ayuu yiri Abuu Mansuur.

Mar wax laga weydiiyay inuu isku casilay khilaaf ka dhex taagan Alshabaab, ayaa arrintaas beeniyay, isagoona cadeeyay inuu wali xubin ka yahay Ururka isla markaana uu kaliya ka tanaasulay xilkii uu u haayay sida uu hadalka u dhigay.

Sheekh Mukhtaar Rooboow (Abuu Mansuur) ayaa ahaa afhayeenkii Ururka Al-Shabaab oo uu asagu ahaa mas'uulka Al-Shabaab ee warbaahinta u soo gudbin jiray howlgallada iyo mabaadii'da Al-Shabaab.

Add New Comment