Midowga Afrika oo ku taliyey in xayiraad lagu soo rogo dekedaha ay gacanta ku hayaan kooxaha mucaaradka Soomaalida


Guddoomiyaha Midowga Afrika Mr. Jean Ping ayaa maaanta ugu baaqay dalalka xubnaha ka ah Midogwga Afrika inay gacan ka siiyaan Dowladda KMG ee Soomaaliya sidii loo xayiri lahaa dekadaha ku yaalla goobaha ay maamulaan kooxaha ka soo horjeeda dowladda  iyo sidii loola socon lahaa dulimaad kasta oo hawada Soomaaliya soo gala.

Mr. Jean Ping oo u warramayay Wakaaladda Wararka AP ayaa waxa uu sheegay  in kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya ay daqli ka helaan canshuuro ay ka qaataan dekedaha ay maamulaan iyo in ay hub sharci darro ah kala soo degaan garoomada ay gacanta ku hayaan.

Jean Ping ayaa hadalkan kasoo jeediyey shir ay isugu yimaadeen wasiirada arrimaha dibedda ee Urur Goboleedka IGAD oo ka dhacay magaalada Addis Abeba ee waddanka Ethiopia, wuxuuna ku celiyey war uu horraantii sanadkan uu soo jeediyey, kaasoo ahaa in cunaqabateyn lagu soo rogo hoggaamiyeyaasha loo aqoonsado inay ka soo horjeedaan nabadeynta Soomaaliya.

Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah oo furay shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Urur Goboleed IGAD oo ay ku bahoobay 7 Dal oo Bariga Afrika ku yaalla ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka in ay xoojiyaan Ciidmada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya, sidoo kalena ay dhinaca dhaqaalaha ka taageeraan Dowladda Soomaaliya.


Add New Comment